Video: Beelaha Habargidir iyo Mudulood oo maanta ku shiray Muqdisho iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Habargidir iyo Mudulood ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid is cafis ah ayaa waxaa gogoshiisa dhigay beesha Habargidir, waxaana ka soo qeyb galay ugaasyada, imaamyada iyo inta badan waxgaradka labada beelood, waxuuna u jeedka gogoshaani ahaa in la iska cafiyo dhibaatooyinkii lasoo maray.

Guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inay gogoshaan u dhigeen sidii ay cafis uga dalban lahaayeen walaalahooda beesha Mudulood, isagoo sheegay inay jiri doonaan fadhiyo kale oo ay cafis uga dalbanayaan beelaha kale ee Soomaaliyeed, isla markaana ay maanta ka bilaabeen beesha Mudulood.

Prof. Shirwac ayaa sheegay in arintaan ay tahay bilowga xal u helidda dhibaatada mudada dheer ay ku soo jirtay Soomaaliya, isagoo sheegay inay sidii la iskugu keeni lahaa dadka Soomaaliyeed ay kala tasha doonaan dadka waaya araga ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Ugaaska beesha Mudulood oo sheegay inay soo dhaweynayaan gogoshan ay u dhigeen walaalahooda Habargidir, Ugaaska ayaa guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir ku booriyey inay doonaan oo isku keenaan dhamaan beelaha kale ee Soomaaliyeed, isagoo balan qaaday inay dhamaantood kolkaas gogol u dhigi doonto beesha Mudulood.

Halkan ka Daawo