Farmaajo, Deni iyo Axmed Madobe oo maanta kulmaya iyo qodobada miiska saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kulan rasmi ah uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland & Puntland.

Labada Madaxweyne Maamul goboleed ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyada oo u jeekoodu yahay sidii Madaxweynaha Soomaaliya ay ugala hadli lahaayeen arrimaah la xiriira doorashada Soomaaliya.

Xalay kulan Casho ah ayaa loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, kadib kulamo ay la qaateen xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ah mas’uuliyiinta u yeeray labadaan madaxweyne Dowlad Goboleed.

Maanta ayuu qorshuhu yahay in ay is hor fadhiistaan Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Fadhigooda ayay uga doodayaan habka looga gudbi karo khilaafaadka siyaasadeed ee muddo ragaadiyay labadaan Madaxweyne Goboleed ee dhanka kasoo wada jeeda iyo Dowladda Federaalka.

Ajendaha muuqda ee hordhaca kulankooda ah waa ka xal gaarista Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Deni iyo Madoobe ay diideen ka qaybgalkiisa iyo qodobadii kasoo baxay oo ay gaashaanka ku dhufteen, balse cadaadista Beesha Caalamka uu sababay in ay muujiyaan dabac siyaasadeed oo aan rabitaankooda ku imaan.

Caasimadda Online waxey heshay in labada madaxweyne ay ku dhawaad 10 qodob diidan yahiin, balse ay saddex ugu muhiimsan tahay, waxeyna doonayaan iney si gaar ah ugala heshiiyaan Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey dood ka qabaan qodob taabanaya xildhibaanada, wuxuu ku saabsan yahay kuraasta golaha shacabka oo la sheegay iney dooraneyso 301 ergo, waxaana ku jiri karta kuraasta la isku daraayo iyo kuwa la dhigayo deegaano aan laga taageersaneyn Jubbaland iyo Puntland.

Waxa kale oo ay doonayaan labada madaxweyne in madaxweyne Farmaajo uu ogolaado in go’aanka ugu dambeeya heshiiskooda aysan shaqo ku yeelan doonin golaha Shacabka, taas badalkeeda ay doonayaan heshiis walba oo ay la gaaraan Farmaajo ineysan door ku yeelan golaha shacabka maadaama madaxweynaha horay u sheegay in heshiis walba uu ayaga ku celinaayo.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa xoogga saarayo in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto qodobada lagu heshiiyo, maadaama ay shaki ka muujinayaan madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu fulin waayey qodobo badan oo horey loogu heshiiyey.

Qodobada kale ee la filayo inay ka wada hadlaan ayaa waxaa ka mid ah fara-gelin uu maamulka Jubbaland sheegay inay Dowladda Dhexe ku hayso gobolka Gedo, halkaasi oo ay ciidamo badan gaysay, sidoo kalena ka dhistay maamul ka madax banaan kan Jubaland.

Kulamada Maanta u bilaabanayo Mas’uuliyiintaan ayaa la filayaa inay qaataan dhawr maalin maadaama qodobada la isku hayo ay yihiin kuwa adag oo u baahan doono ka doodis iyo in dhinacyada is hayo ay sameeyaan tanaasul, iyadoo la filayo in gabagabada ay kasoo qeyb galaan madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo qeyb ka ahaa saxiixa heshiiskii Dhuusamareeb 3.