Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo baajiyay qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku guuleystay in ay is-hortaagaan in Agaasimaha cusub ee KMG ah ee NISA Jeneraal Bashiir Goobe uu tago xarunta NISA ee Habar Khadiijo. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xarunta hay’ada NISA dibadeeda dejiyay ciidamada Duufaan oo heysta gaadiid dagaal, waxaana sababta ay halkaas u joogaan lagu sheegay in ay qalalaaso abuuraan haddii Janaraal Bashiir Goobe la geeyo xarunta NISA. 

Xarunta NISA ayaa waxaa haysta ciidamada Waran, oo uu hoggaamiyo Maxamed Xasan oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble, hase yeeshee dibedda iyo isgoysyada ku dhow xarunta ayaa waxaa haysta ciidamada Duufaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa baajiyay qorshihii Bashiir Goobe lagu geyn lahaa taliska Habar Khadiijo oo ah xarunta NISA. 

Ciidamada Duufaan oo daacad ah Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo magacaabistii Janaraal Bashiir Goobe waxay joogaan albaabka weyn ee hay’adda NISA, iyadoo sidoo kalane ay joogaan albaabka dhinaca Hotel Global ee degmada Cabdicasiis. 

Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa doonayey inuu wada-hadallada fursad siiyo, balse ma cadda tallaabada uu hadda qaadi doono.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa hadda haysta laba daran mid door. Haddii uu Bashiir Goobe tagi waayey NISA waxay guul u tahay Farmaajo, haddii uu weerar qaadana waxaa ka dhalan kara in dhiig badan uu daato, oo isaga lagu eedeeyo.