Kiiska IKRAAN TAHLIIL ‘oo ka weyn yahay inta la malaynayo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa markale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Mahad Salaad oo ka hadlayey wada-hadalladii u dambeeyey ayaa shaaca ka qaaday in weli Farmaajo uu ku dhagan-yahay in maxkamadda laga soo celiyo kiiska Ikraan, sidoo kalena uu isagu magacaabo agaasimaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Ujeedka ayuu ku sheegay in la doonayo in lagu baabi’iyo raadka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo sababay khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho.

“Farmaajo wuxuu ku dheganyahay: Kiiska Ikraan Tahliil waa in maxkamada laga soo celiyo si Fahad loo badbaadiyo. Taliyaha NISA waa inaan anigu soo magacaabo, si loo baabi’iyo raadka kiiska Ikraan!” ayuu  ku yiri xildhibaanka mucaaradka ah ee  Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kiiska Ikraan uu ka weyn yahay inta loo maleynayo, isla-markaana wararka soo baxaya haddi ay xaqiiqo noqdaan ay ceeb ku tahay dowladnimada.

“Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay waxaana soo baxaya xogo hor leh oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo aan la arag oo la maqal ku ah dowladnimada Soomaaliya, Dhaqankeena suuban iyo Diinteena Islaamka!” ayuu raaciyey Mahad Salaad.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada lagu kala tegay natiijo la’aan wada-hadalladii u dhexeeyey Farmaajo iyo Rooble oo u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil.