Daawo: Xaaska Cabdiwahab Cabdisamad oo afduubkiisa la xiriiisay R/Wasaare Rooble

Nairobi (Caasimada Online) – Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo warbaahinta kula hadashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegtay in afduubka seygeeda Aqoonyahan Cabdiwahaab ay ogaadeen inuu ku lug-leeyahay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maalinkii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa Prof. Cabdiwahaab laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi oo uu deganaa, waxayna xaaskiisa iyo walaashiis warbaahinta u sheegeen in aysan garaneyn illaa hadda halka lagu hayo Cabdiwahaab.

“Cabdiwahaab maalinkii afaraad ayuu naga maqan yahay, waxaana na soo gaartay in amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku xiran yahay, runtii aad ayaan ula yaabnay arrintaas, waa laga fiican yahay anagoo Soomaali ah in aan dad kale isku adeegsano,” ayey tiri Xaliimo Maxamed.

Waxay sheegtay in Seygeeda Cabdiwahaab uusan wax u jeedo ah ka laheyn Soomaaliya, balse uu mar walba ka hadli jiray waxa ay dantu ugu jirto dalkiisa Hooyo.

“Wax aan la gambaneyno ma ahan, waa rasmi in xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku lug leeyahay arrinta Cabdiwahaab, hadii dhib soo gaaro Cabdiwahaab, waxaa mas’uuliyadda qaadaya Rooble,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab.

Faa’iso Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegtay inay aad uga xunyihiin oo ay ka walwalayaan maqnaasha Prof. Cabdiwahaab.

“Waxaa naloo soo sheegay in xafiiska Rooble uu codsaday in Prof. Cabdiwahaab loo soo qabto, taasna ma aanaa filaneyn, sababtoo ah Cabdiwahaab nin Soomaaliya dano kaleh ma ahan, waa nin jecel in Soomaali midowdo, mana jiro wax dembi ah oo loo heysto,” ayey tiri Faa’iso Sheekh Cabdisamad.

Hoos ka Daawo