Farmaajo iyo Jawaari oo ka hadlay Iscasilaadiisa kadib kulan ka dhacay Villa Somalia

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari ayaa maanta mar kale Madaxtooyada ku qaatay kulan Saacado badan la isugu helay oo ku saabsan talaabada xigta, Mar haduu Jawaari iscasilay isagoo la qanciyay.

Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Jawaari, waxaana uu sheegay inuu yahay nin oday ah oo muddo 50 sano u soo shaqeeyay dalka.

Waxaa uu sheegay in go’aanka uu qaatay yahay mid taariikhi ah, isla markaana uu ku dhiira gelinayay inuu sii wado dadaalada dowladnimada, qabyo tirka dastuurka, maadaama uu yahay khabiir dhanka sharciga ah, isla markaana ay ka filayaan talo bixinta iyo talo soo jeedintiisa.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaan wax shaqa ah qaban tan iyo 12kii Bishii hore ee Maarso markaas oo dalka ay ka mamnuuceen Hay’ada DP World, Waxaana laba maalin kadib Xildhibaano sheegeen iney Mooshin ka gudbiyeen Jawaari uuna ka qabtay Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Sheekh Muudeey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com