Haweeney cirbad ku durtay darawal mooto bajaaj oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – waxaa markale maanta la hadal hayaa haweenay lasheegay in ay cirbad kudurtay wiil mooto bajaaj ah oo ku sugan magaaladda muqdisho.

falkaan ayaa waxa uu kadhacay agagaarka Isgoyska km4 ee Muqdisho waxaana lasoo warinayaa in haatan laguhayo Xarunta Demi-baarista ee CIDA-da  .

Dhacdadaan oo aad looga yaabay ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegaayn in Wiilka ay Haweneyda u saarneyd mootada basle markii dambe ay cirbada ku durtay.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in haweeneydii iminka lagu haayo Xarunta Dembi-barista CIDA-da, waxaana sidoo kale Goobta ku sugan Wiilkii Darawalka Mootada ka ahaa oo qeylinaya.

Lama oga cirbada ay Wiilkaas haweyda ku durtay waxa ay tahay,mana ahan mid ku cusub Magalada Muqdisho waxana mid la mid ah ay dhacday horaantii Bishii la soo dhaafay ee Maarso Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

dowladda soomaaliya ayaanan wali war rasmi ah kasoo saarin falkan iyo kuwa ka sii horeeyay oo kadhacay isla magaaladda muqdisho sanadkaan gudihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com