Farmaajo oo ka hadlay in Jawaari shuruud ku xiray is-casilaadda iyo in kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoomiyahii golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sida uu isku casilay.

Farmaajo ayaa sheegay in Jawaari aanu wax shuruud ah ku xirin is casilistiisa, uuna yahay qabiir dhanka sharciga ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo runtii dalka usoo shaqeeyay in ka badan muddo 50 sano ah, xilal kala duwanna usoo qabtay, mudane Jawaari waa oday Soomaaliyeed, waa qabiir dhanka sharciga ah, in badanna dowladnimada Soomaaliyeed waqti aad u badan geliyey, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo uu ku xirayna malahan, waxaan ku dhiirogelinayaa mudane Jawaari in uu halkaasi kasii wado dedaalladii uu ku bixiyey dowladnimada Soomaaliyeed, gaar ahaanna qabyo tirka dastuurka, waxaan ka fileynaa inuu sii wado talobixintiisii iyo talo soo jeedintiisa, waxaa waajib nagu wada ah inaan usoo wada jeedsanno xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ah dowlad wanaag, adeegyada asaasiga ah inaan gaarsiinno, inaan si wadajir ah ugu istaagno arrimaha masiiriga ah”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa xukuumadda faray iney Labo jibaarto dedaalkeeda, maadaama ay horyaalaan howl oculus.

“Xukuumadda waxaan farayaa iney dedaalka Laba jibaarto maadaama ay horyaallaan howlo culus oo ay ka mid yihiin sugista amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyey baarlamaanka federaalka in ay dardargeliyaan meelmarinta hindise sharciyeedka, sidoo kalena ugu baaqay iney kormeer joogto ah ku sameeyaan howlaha xukuumadda.

“Baarlamaankana waxaan usoo jeedinayaa iney dardargeliyaan hindise sharciyeedyada ay xukuumadda usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan halkaan ugu baaqayaa baarlamaanka in kormeer joogta ah ku sameeyaan xukuumadda iyo laamaha kala duwan ee dowladda, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney garab istaagaan  dowladda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga ah si loo xaqiijiyo nabadgalyada dalka, dowlad aysan shacabka garab taagneyn ma shaqeyn karto” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha.