Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo weerar ku qaaday dowladda Somalia

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa muujisay sida ay uga xun tahay una cambaareeneyso xariggii ay u geysteen ciidamada amaanka Somalia diyaarad rakaab ah oo u diiwaan gashan Isutagga Imaaraadka Carabta, maalintii axadda oo ay taariikhdu ku beegneyd 8-da April.

Diyaaradda waxaa lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana saarnaa 47  ka tirsan ciidamada Imaaraadka Carabta,  waxaana lagu qabta lacag loogu talagalay  in lagu taageero ciidamada Soomaalia iyo kuwa tababarka ku jira, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo qoraal soo saartay.

“Tacaddiiyo ay u geysteen shaqsiyaad ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya kuwa Imaaraadka Carabta, ayaa ka dhacay garoonka” sida lagu sheegay qoraalka.

“Qoraalka diyaaradda waxaa la daahiyey dhawr saacadood”.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtaas loogu talagalay in lagu taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ku saleysan heshiiskii is afgarad  ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii November 2014 oo ahaa sare u qaadidda iskaashiga dhinaca military ee labada wadan.

Wasaaradda arimaha dibadda waxa ay qoraalkaas ku sheegtay in tallabadaas ahayd mid sharci darro ah oo khilaafeysa nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda u dhexeeya labada wadan, xadgudub weyna ku ah heshiiskii ku qornaa is afgaradka, taas oo meel ka dhac ku ah qanuunka caalaamiga ah iyo nidaamka caalamiga ah.

“Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay ka xun tahay ku xadgudubkan sharciga caalamia ah iyo nidaamka, xilli ay Isutagga Imaaradka Carabtu wax walba haddii ay ahaan lahayd siyaasad, dhaqaale, military iyo arrimaha bili’aadannimo ka taageeertay xilliyada ugu madaw dowladda Federaalka-ka Soomaaliya, si loo dhiso ciidamada iyo xassiloonida.”

Waxaaa Turjumay Mohamed Kaafi