Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaa oo gaariga loogu xiray ninkii lahaa.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxaa loogu xiray nin la sheegay inuu Oday ahaa, waxaana ka dhashay qaraxaas khasaaro.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Xaawa Taako, waxaana lagu magacaabaa ninka loogu xiray gaariga Caraboow Cali Makaraan.

Ruuxa lahaa gaariga ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray dhaawac xoogan, waxaana la dhigay mid kamd ah goobaha caafimaadka.

Goobjooge ayaa sheegay in ninkaasi Odayga ahaa uu Qaraxa ku waayay labadiisa lugood  oo gabi ahaan go’ay isla markaana dhaawac halis ah lagu qaaday.

Sidoo kale, Ilaa saddex ruux oo kale oo Gariga la saarnaa ayaa la sheegay in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Ma cadda sababta Odaygaan da’da ah Gaarigiisa loogu xiray Qaraxa, waxaana soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan shaqsi ahaantiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com