Daawo: Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee sida wada jirka ah ay u qabteen Farmaajo & Jawaari (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go’aanka shuruud la’aanta ah ee uu u qaatay danta dalka.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.

Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Jawaari ayaa isna shirka Jaraa’id ka sheegay in talaabada uu qaaday uu ku muujinaayay badbaadinta Qaranka iyo jiritaanka baarlamaanka Somalia.

DAAWO MUUQAALKA IYO SAWIRADA

Natiijada sawirka Shirka jaraa'id ee Farmaajo iyo Jawaari