Muxuu Jawaari diirada ku saari doonaa khudbada uu maanta ka jeedin doono BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah uu Khudbad xiisa leh ka jeediyo Xarunta Golaha Shacabka.

Jawaari, ayaa khudbadiisa kusoo koobi doona marxaladaha uu soo maray baarlamaanka Somalia, waxyaabaha horyaal ee uu qabyada uga tagay, waxa laga sugaayo Xildhibaanada iyo Is casilaadiisa.

Jawaari, ayaa khudbadiisa ku jeedin doona baaraarujin iyo baaqyo ku aadan in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmarto Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia.

Jawaari, waxa uu sheegay in Khudbadiisa maanta ay noqon doonto mid sagootin ah, isla markaana uu waxbadan ku ifindoono, maadaama ay noqoneyso tan ugu danbeysa.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in khudbado taa lamid ah  ay madasha ka jeediyaan Mas’uuliyiin ka socta Villa Somalia, Baarlamaan iyo Wufuud ka socta Beesha Caalamka oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho.

Khudbadaha oo badnaan doona ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa arrimaha baarlamaanka, iyadoo leysku weydarsanaayo tallooyin iyo baraarujin ayaa waxaa laga yaabaa in leysla dhaafo Duhurka.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ku sheegay in Khudbadiisa maanta uu ku bayaanin doono wixii khuseeya baarlamaanka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si wada jira uga fiirsan doona cida bedeli doonta Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo muddo kusoo shaqeeyay xilka uu iminka iska casilay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com