Kulanka golaha shacabka ee lagu waday inuu maanta qabsoomo oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow la baahiyay ayaa lagu sheegay inuu baaqday kulankii maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu Khudbad ka horjeedin lahaa Ex Gudoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in ku simaha Gudoomiyaha Cabdi wali Sheekh Ibraahim  Muudey fariimo ku saabsan dib u dhaca kulanka baarlamaanka uu u kala diray Xildhibaanada.

Fariimaha uu Muudey u diray Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu ka dhashay buuq Siyaasadeed, kadib markii garabkii hore Jawaari ay u qaaten in caqabad lagu hayo weli.

Waxaa sidoo kale Jira in Jawaari uu doonaayay in uu maanta baneeyo Kursiga, islamarkaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka sidda uu qabo dastuurka, hase ahatee uu Muudeey is hortaagay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u muuqda mid laga gaaray dantii laga lahaa ayaa shalay shaaciyay in maanta Baarlamaanka ka hor hadli doono, islamarkaana uu shaacin doono sababaha uu isku casilay.

Geesta kale, Muudeey ayaa waxaa ku jira tuhun ah in Jawaari uu doonaayo in Khudbadiisa uu kaga talaabo xeerka isagoo ka faa’iideysanaaya Makaroofanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com