Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ay ku howlan yihiin shirar xal loogu raadinaayo Mooshinka cusub.
Madaxweynaha ayaa shirarka socda ula gol leh xal u helida Mooshinka ay saxiixeen Xildhibaanada baarlamaanka Somalia, kaa oo la doonaayo in lagu soo afjaro Xukuumada.
Madaxweynaha oo uu wehlinayo Ra’isul wasaaraha ayaa sabtidii si wada jira Xildhibaanada uga codsaday inay qaboojiyaan xiisada siyaasadeed ee isku bedeshay Mooshinka, kadib kulan ka dhacay Villa Somalia.
Farmaajo iyo Kheyre ayaa si wada jira Xildhibaanada ugu ballanqaaday isbedel lagu sameeyo Xukuumada ka hor inta aan la dhaqan galin Mooshinka.
Sidoo kale, Farmaajo iyo Kheyre ayaa ku cudur daaranaaya in dowladu aysan gaarin xili qaladaadkeeda lagu saxo Mooshin, waxa ayna ku talinayaan in lasoo afjaro Mooshinada socda.
Kheyre ayaa loo badinayaa in isku shaandheyn uu ku sameeyo Golaha Wasiirada Xukuumadiisa, iyadoo laga hortagaayo Mooshinka, marka uu kasoo laabto magaalada Addis-Ababa oo uu socdaal ku joogo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

