Muqdisho (Caasimada Online) – Dawlada Qadar ayaa xanibtay mid kamid ah godadkii Satellite Thaicom ee uu isticmaali jiray Telefishanka Somaliland.
Satellite Thaicom 6 oo ahaa mid laga daawan jiray qaaradda afrika oo frequency-giisu ahaa 3670 Symbol Rate 3333 ayaa hawada laga ay ka saartay dowladda Qatar, waxayna Somaliland u wareegtay Satellite cusub oo Frequencey-giisu yahay 4114 Saymbol Rate 1333, iyada oo kaas laga daawan karo.
Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa arrintaasi beeniyay, isaga oo sheegay in aanay wararkaas waxba ka jirin,waxaase ilo xog ogaal ahi sheegayaan in markii horeba ay godkaasi lahayd dawlada Qatar.
Ilaa hadda ma cadda sababtay ay godkaasi uga guureen bahda Telefishanka Somaliland, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa go’aanka ay Somaliland ku taageertay Imaaraadka iyo xululada Sacuudiga hoggaaminaayi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

