Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya Addis Ababa

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kasoo laabtay dalka Burundi ayaa caawa gaaray Dalka Jabuuti.

Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa berri kulmaya si ay ugu wada hadlaan: Xiriirka Labada Dal, Amniga, Siyaasadda, Qorshaha sugidda AMISOM, Dhaqaalaha, Hormarinta iyo Arrimo kale.

Kadib kulanka Geelle, Farmaajo ayaa la filayaa inuu usii gudbo dalka Itoobiya, ayada oo sidoo kalena madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi la filayo inuu halkaas u baxo isla berri.

Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa waxaa uu imanaya ayada oo Abiy Ahmed uu casuumad u fidiyey labada mas’uul, hase yeeshee ma cadda inay arrintan ku lug leeyihiin dalal kale.

Dowladda Turkiga ayaa dhowaanahan waddo dadaalka wada-hadallada labada dhinaca.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo Muuse Biixi uu dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com