Farmaajo iyo Rooble oo ku sigtay inay geddisleyda shidaalka fara madoobeyaan

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa January 09, 2021 sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo lala galay shirkado baara shidaal. Wasiirku ma beenin wararka laysla dhexmarayo baraha bulshada iyo walwalka midowga musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Beyle faahfaahin kama bixinnin sababta loo baajiyey munaasabaddii loogu yeeray Shirkadaha Liberty Petroleum Corporation oo saldhiggeedu yahay Phoenix, Arizona, dano ku leh Australia iyo Coastline Petroleum Company oo saldhiggedu yahay Huston, Texas loona asaasay 2018 si gaar ah inay ka faa’iidaysato saliidda Bariga Afrika. Su’aaluhu ma yara!

Waxaase lays weydiinayaa: Maxaa keenay in laga hordhaco madashii shati bixinta shidaalka Soomaaliya? Maxaase loo suuqgeyey sahminta shidaalka xilli sicirka shidaalka adduunku uu marayo heerkii ugu liitay taariikhda?

Wasiirka Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa May 12, 2020 muqaal-baahiyaha Internet-ka ku daahfuray tartan shati bixin (SP GLOBAL) sahmin toddoba xirmood (152, 153, 164, 165, 177, 178 iyo 204) oo ku kala yaal Galmudug “beesinka Hobbyo”, Koonfur Galbeed “beesinka Qoryooley”, iyo Jubbaland “beesinka Juba-Lamu”. Qabashada dalabyada ayaa si rasmi ah loo furay August 4, 2020 iyadoo la filayo in wixii ka dambeya March 12, 2021 lagu dhawaaqi doono ku guuleysteyaasha wareegga koowaad ee sahminta shidaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee, horraantii January 2021 ayaa waxaa soo yeertay in Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shidaalka Soomaaliya (Somali Petrolium Authority–SPA) Ibrahim Cali Xussen ay la fureen gogorton wax soo-saar-wadaag shirkadaha Liberty Petroleum Corporation iyo Coastline Petroleum Company (VOA – 05/12/2020).

Haddaba, waxaa isweydiin mudan, wadahadallada daahson ee Istanbul ma waafaqsan yihiin shuruucda betroolka dalka, maxaase loo doortay shirkado gedisley ah ka hor inta aan la soo bandhiggin ku guuleystayaasha qandaraasyada? 

Lama oga xaqiiqada balse suuqa saliidda ayaa la kulmay qiima jab xoog leh, taas oo malaha baqdin gelisay mas’uuliyiinta dalka. Sideedaba, ma sahlana in la iibiyo xuquuqda sahminta khayraadka dhul aan hore loo aqoon, iyadoo dalkuna ka jiraan jilicsanaan siyaasadeed, madmadow caddaalad, iyo xasillooni darro amni.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in shirkadaha gorgortanka lala galay aysan ku cusbeen geyiga Soomaaliya. Shirkadda Coastline Petroleum Company ayaa 2014kii lug ku lahayd sahminta kheyraadka badda iyadoo sidatay magac Soma Oil and Gas. Halka shirkadda Liberty Petroleum Corp ay iyana heshiis baaritaan shidaal la gashay Galmudug xilligii Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. 

Xeeldheerayaasha dhaqaalaha shidaalka (petroleum economists) ayaa rumaysan in badanaa shirkadaha yar yar ay qaataan khataraha maalgashiga iyo hawlgalka baaritaanta shidaalka. Halka Shirkadaha waaweyn ay xilligaan adag ka laballabayaan maalgashiga dhul aan hor loo aqoon [sida Soomaaliya] oo ay halistiisa iyo kharashkiisuba badan yihiin, faa’iidadana ay xadidan tahay.

Haddaba, Liberty Petroleum iyo Coastline Petroleum ma leeyihiin khibrad iyo maaliyad loogu xisho (raaco)!

War laga soo xigtay Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) oo la soo dhigay barta twitter-ka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay malaha ku degdegta inay gorgortan toos ah gasho iyadoo aysan u dhammeystirnayn hawlahii saldhigga u ahaan lahaa qanadaraas bixinta. Taas ayaa malaha keentay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ka fogaadaan saxiixa hawl ay dhici karto inay dhaliso sheegashooyin sharci amase magdhow.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa dalka ku soo qulqulayay shirkadaha ka ugaarsada khayraadka dabiiciga ah sida, Range Resources/Afica Oil, Horn Petroleum, Genel Oil, Ophir (RAK Gas LLC of UAE), iyo Norway’s DNO International oo intaba heshiisyo aan sharciga waafaqsaneyn la galay maamullada Puntland iyo Somaliland iyadoo mar kasta mudnaanta la siinayay dakhliga muddada gaaban balse laga ilduufayay khatarta muddada dheer ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira khatar la xiriirta siinta shirkadaha loo yaqaano gaddisleyda (asset flippers) xuquuq baaris shidaal: (1) Looma hoggaansamayo qaab-dhismeedka sharciga shidaalka dalka, taas oo dhilin karto dacwado maaro loo waayo oo xayira ka faa’iideysiga khayraadka dalka; (2) Lama ilaalin karo danaha dhaqaalaha dalka amase dalku ma heli karo saami caddaalad ah, marka loo eego waxa ay bixiyaan shirkadaha calamiga ah ee meelo kale ka hawlgala; iyo (3) Shirkadda geddisleyda ah ee weliba leh khibradda iyo awood maaliyadeed ay ku raadiyaan bar macaan (sweet spot) oo ka iibiya xuquuqda baarista (asset flippers) shirkaddo aan tixgelin siin doonin baahida dalka.

Ma muuqato in shirkadaha Liberty Petroleum iyo Coastline Petroleum ay u diyaarsan yihiin wax soo saar u baahan dhaqaale mug leh iyo khibrad hawleed. Badanaa shirkadaha gedisleyda ah waxay ku andacoodaan waxyaabo macquul ah oo gacan ka geysanaya dib-u-dhaca ka faa’iideysiga kayraadka dalka sida: Hubin la’aanta keydka shidaalka dhul-badeedka hoostiisa, kharashyada sahminta oo sarreeysa, sicirka badeecada oo isa soo tari waaya, iwm. 

Inta kale haddii loo dulqaato, waxaa khatar muuqan ah in xuquuqda shidaal barista dalka ay shirkadaha gedisleyda ah ka iibiyaan shirkado nibiri ah (hantida badan) oo dantoodu tahay inay keysi dhaqaale u heystaan ilaa faa’iidadoodu kobocdo. Khatarta intaas kuma eka, waxaa afka looga dhici karaa shirkadaha Aramco, Abu Dhabi National Oil Company – ADNOC, amase Emirates National Oil Company – ENOC iwm., oo ay dhici karto inay dano siyaasadeed oo dahsoon ka leeyihiin xannibaadda shidaalka Soomaaliya.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid