Puntland oo soo bandhigtay ciidamo loogu talo-galay gobol lagu muransan yahay

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa maanta markii u horeysay soo bandhigay ciidamo cusub oo sugaya amaanka gobolka Sanaag oo deegaano kamid ah ay ku muransan yihiin Somaliland.

Guddoomiyaha folaha Wakiillada maamulka Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibril iyo wafdi uu horkacayo ayaa kormeer ku tagay dugsiga tobabarka ciidamada ee magaalada Badhan, halkaas oo lagu tobabaro ciidamada badan oo sugaya amniga gobolka Sanaag.

Ciidamadan cusub ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada difaaca Puntland, waxayna si gaar ah uga howl-gali doonaan gobolka Sanaag oo ay ku muransan yihiin Somaliland, iyada oo dhowr jeer uu deegaano ka tirsan gobolkaas uu ku dhex-maray dagaal.

Guddoomiye Jibriil ayaa bogaadiyey ciidamada tobabarka u socda, isagoona kula dar-daarmay inay ka faa’iideystaan casharada iyo aqoonta la siiyey, kadib markii uu soo idlaaday dhoolatus cajiib ah oo ay soo bandhigeen ciidamadaas.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha dib u habeynta ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Xildhibaano iyo Saraakiil kale.

Puntland iyo Somaliland ayaa mararka qaar ku dagaalama deegaano hoostaga gobolka Sanaag oo uu maamulka Garoowe u diyaariyay ciidamadan cusub oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayaan sugida amniga gobolkaas.