Farmaajo oo dhalleeceyn xooggan kala kulmay sawir uu la galay Colonel TUKE

New York (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa inta badan Baraha Bulshada qabsaday dood ku aadan Sawir uu Madaxweyne Farmaajo la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay ku eedeysay xasuuq dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa Gibilay Somaliland xilligii Siyaad bare.

Madaxweynaha ayaa Cambaareyn kala kulmay sawirkaas, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshadda isticmaasha baraha bulshada ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay in maanta uu kiciyay dareenka Ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta maamulkii Milatariga.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isaoo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

Kornaylka ayaa maalmihii ugu dambeeyay taxi wade ka ahaa gobolka Virginia ee dalka Maraykank, ka hor intaan shaqadaas laga joojinin.

Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay

Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar.

Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke?

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay.

Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo.

Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska New York
caasimada@live.com