Imaaraadka Carabta iyo QM oo ka wada- hadlay arrin ku saabsan SOOMAALIYA

New York (Caasimadda Online) – Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Qaramada Midoobay kala hadlay xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee Dalka Soomaaliya ku jiro.

James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Anwar Gargash.

Wakaaladaha Wararka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa faafiyey inay labada Mas’uul ka wada hadleen Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Anwar Gargash ayaa Mr. James u xaqiijiyey in Imaaraadka ay tixgelineyso muddo xilliyeedka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

James ayaa Bishii May loosoo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Soomaaliya Ceyrisay ergeygii hore ee Heysom kadib markii ay ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyey Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha saameynta ku leh Soomaaliya, waxayna dhawr jeer faragelin ku sameysay Arrimaha Soomaaliya, iyadoo heshiisyo aysan Dowladda Dhexe ka warqabin la saxiixatay qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maamulo qaar ka tirsan Dekaddaha iyo Garoomda Diyaaradaha ee Soomaaliya ku yaal iyadoo aysan jirin xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeyo Dowladda Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska New York
caasimada@live.com