Prof. Cali Khaliif Galayr: “Somaliland waxay qarka u saaran tahay kacdoon”

Hargeysa (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galayr oo horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ugu dambeysay xilkii madaxweynimo ee Maamulkii la magac baxay Khaatuma State ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland halis ugu jirto Kacdoon.

Cali Khaliif ayaa hadalkaan ka sheegay shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ahaa Furitaanka shirka Golaha dhexe oo ka furmay Hargeysa.

Galeyr ayaa xusay inay Somaliland qarka u saaran tahay kacdoon Dhallinyaro isagoo sii raaciyey in haddii aan wax laga qaban la is waydiin doono halka uu ku dambeeyo Masiirka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif ayaa yiri “Ma dooneyno Somaliland ay leedahay hal Reer balse waxaa u baahanahay Somaliland la wada leeyahay” .

Wuxuu Maamulka Somaliland ku eedeeyey inaysan wax tixgelin ah siin dhallinyarada kasoo qallin jabiyo Jaamacadaha, wuxuuna sheegay inay taas keentay inay ku dhammaadaan Badda sida uu hadalka u dhigay.

Cali Khaliif oo maalmihii dambe eedeyn u jeedinayey Maamulka Somaliland ayaa ka xumaaday inay Somaliland fullin weysay heshiiskii ay wada galeen Sanadkii 2017 markaas oo uu Cali ogolaaday inuu meesha ka saaro Maamulkii Khaatumo State.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com