Farmaajo oo durba iska diiday arrin uu aad u jeclaa Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa durba muujiyey hal arrin uu kaga duwan yahay madaxweynihii hore ee waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxauud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka baaqday kulan xasaasi ay oo ay yeelanayaan madaxda dalalka loogu magacdaray Indian Ocean Rim Association (IORA) ee dhaca Badweynta India oo lagu wado in looga hadlo   Amniga Badweynta India.

Waxaa lagu wadaa inuu shirkaan bilawdo 5 March uuna dhamaado 7 March wuxuuna madaxweynaha sheegay inuusan kulankaas ka qeyb qaadan karin, waxaana madaxweynaha kulankaas u matali doono Maxamed Cumar Carte oo ah Ra’iisal wasaare ku xigeenka xilka sii haya.

Arrintaa ayaa muujineyso inuu madaxweynaha fulinayo ballanqaadkii uu horey u sameeyey ee ahaa inuusan u bixi doonin safari micno darro ah iyo sharar badan oo ka mashquulinayo shaqada uu dalka u qaban lahaa.

Dhanka kale waxaa laga war sugayaa go’aanka uu madaxweynaha ka qaadan doono casuumadda uu u sameeyey madaxweynaha Kenya I suu uga qeyb galo shirka ay madaxda Africa ku yeelan doonaan dhamaadka Bishaan magaalada Nairobi kaasoo looga hadli doono arrimaha xaqootiga Soomaaliya ee Kenya.

Tallabada uu madaxweynaha uga baaqday shirkaas ayaa muujineyso inuu si weyn uga duwan yahay madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud oo waqti badan ku bixiyey safaro dibadda ah oo micno darro ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com