Akhriso Liiska: Shaxdii ugu dambeysay ee golaha wasiirada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani uu magacaabo Xubnaha Golaha Wasiiradiisa.

Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay inuu soo dhameystiray diyaarinta Liiska xubnaha loo aqoonsaday inay kamid noqonayaan Golaha kuwaa oo la filaayo in la shaacin doono gudaha Asbuucaani.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha uu Beelaha qaar tusay shaxda Golaha Wasiirada.

Caasimada Online oo u kuurgashay wax ka ogaanshiyaha Shaxda ayaa waxaa u suuragashay inay waxbadan ka ogaato Shaxda.

Inkastoo Shaxda ay tahay mid isbedeli karta ayaa waxaa hadana loo dhigay sida tan:

Beesha Hawiye

1-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna RW ku xigeen
Maxamed Abuukar Islow Ducaale ( Abgaal , Harti , Obokar )

2-Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Awsaciid ( Xawadle )

3-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/xakiin Macallin Axmed ( Habargidir , Ceyr )

4-Wsiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Eng C/qaadir (Gaaljecel)

5-Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khaliif Cabdi Cumar ( Gugundhabe Baadicadde )

6-Waziirka Amniga Gudaha
C/raxmaan Dheere (Shiikhaal Qudub)

Beesha Daarod

1-Wasiirka Cadaaladda Cabdi Faarax Juxa ( Majeerteen , Ciise Maxmuud)

2-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Jaamac Mursal Geelle ( Ogaden , Cawlyahan)

3-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jaamac Ceeydid ( Dhulbahante)

4-Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ( Leelkase )

5-Wasiirka Gaashaandhigga C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir (Warsangeli )

6-Wasiirka Awqaafta iyo Artimaha Diiinta C/raxmaan Cabdulle (Awrtable)

Beesha Dir

1-Wasiirka Deegaanka iyo Maareynta Aafooyinka Maxamuud cabdi Xayir Maareeye ( Isaaq Habar Jeclo)

2-Wasiirka Warfaafinta Saalax Axmed Jaamac ( Isaaq , Habar Yoonis )

3-Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ( Godo-Biirse)

4-Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Drs Deeqo Yaasiin( Dir , Surre)

5-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Sheekh Nuur ( Dir , Biimaal)

6-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cali Xagaa (Dir Ciise)

Beesha Digil & Mirifle

1-Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Adaan Fargeeti (Mirifle Disoow)

2-Wasiirka Caafimaadka Maxamed xaaji C/nuur Madeer ( Mirifle / Hadame )

3-Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta C/fitaax Geesey ( Mirifle / Liisaan)

4-Wasiirka Biyaha iyo Korontada Cabaas Siraaj (Mirifle Hubeer)

5-Wasiirka Beeeraha C/xakiin Xaaji Faqi ( Digil / Dabare)

6-Wasiirka Dastuurka Cali Siciid Fiqi ( Digil / Tunni )

Beesha Shanaad

1-Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/rashiid Siraaji ( Kulmis Reer Aw-Xasan )

2-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Siciid Xusen Ciid ( Carab-Salax)

3-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Khadiija Maxamed Diiriye (Yaxar)

4-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib Udhiska C/rashiid Maxamed (Banaadiri)

5-Wasiirka Waxbarasha Maryan Qaasim (Kulmis)

6-Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maryan Aweys ( Jareerweyne)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com