Xog: Halkee lagu hayaa markabka kooxaha burcad badeeda ay afduubteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhalinyaro Soomaaliyeed afduub ay u geysteen markab siday Saliid oo laga lahaa dalka Imaaraatka Carabta.

Walow warar kale ay sheegayaan in markabkaasi laga leeyahay dalka Jarmalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhalinyaradaasi ay markabka geeyeen degmada Caluula ee gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in dhalinyarada ay ahaayeen kuwo kaluumeysato ah.

Xaraare Axmed Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka degmada Caluula ayaa sheegay in dhalinayarada ay ku qasbanaadeen inay afduubkaasi geystaan kadib markii kaluumeysigoodii la hor istaagay.

Wuxuu sheegay in dad badan oo badda ka kaluumeysan jiray inay waxyeelo kala kulmeen maraakiibta dagaalka ee ilaalinaya xeebaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhalinyaro badan ay markabka ku xoomeen ayna doonayaan inay gorgortan ka galaan sii deynta markabkaasi.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com