Farmaajo oo ka hadlay dib u doorashada Saciid DENI, farriina u diray mucaaradka

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada maamulka Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe, taasi oo mar kale xilka madaxweynaha dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.

Farmaajo ayaa ugu horeyn hambalyeeyay madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Deni, isaga oo Alle uga rajeeyay inuu ku guuleeyo masuuliyada loo doortay, uuna horseed u noqdo xasiloonida siyaasadeed ee maamulka Puntland

“Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay inuu mar labbaad hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan Allaah kaaga rajaynayaa inuu kugu guuleeyo mas’uuliyaddan laguu doortay, aadna horseed u noqoto xasilloonida, horumarka iyo baraaraha Puntland,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor. Waxaan Allaah uga rajaynayaa inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda loo igmaday.”

Sidoo kale waxa uu Mucaaraadka ku booriyay in ay taageeraan madaxda la doortay, iyaga oo dhinac iska dhigaya khilaafka siyaasiga ee muddooyinkii dambe kala dhaxeeyay madaxweynaha dib loo doortay.

“Dhamman siyaasiyiinta, musharrixiintii xilka Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan shacab qiimaha badan ee reer Puntland waxaan ku boorrinayaa inay gacmaha is qabsadaan, taageeraan Madaxda la doortay, wadajirka uga shaqeeyaan horumarka Puntland iyo guud ahaan dalkeenna.”

Madaxweyne Saciid Deni ayaa maanta mar kale dib loo doortay, isaga oo helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.

Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la aas aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday, taasi oo meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysay ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni, kaasi oo gaaray heer ay Puntland u dhaqanto sida dowlad madax-banaan oo kale.

Si kastaba, Qabashada doorashada madaxtinimada Puntland ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi, taasi oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.