Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo shaacisay xogta safarka

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Villa Somalia ayaa ujeeddada safarka ku sheegtay mid shaqo, balse kama aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, waxaana kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha uu Asmara ku sugnaan doono laba maalin.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee danta ugu jira labada dhinac.

Safarka ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka dhex-oogan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Addis-Ababa ay heshiis is-afagarad oo muran dhaliyey ay la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli Itoobiya ma xaqiijin inay ballan-qaaday aqoonsi.

Ka hor safarka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, wuxuuna ku bogaadiyay “doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranimada dalka Soomaaliyeed.”

Soomaaliya ayaa si xooggan uga hortimid is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna u yeeratay safiirkeeda Addis-Ababa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xiriir toos ah la sameeyay ururka Midowga Yurub oo uu uga mahadceliyay, sida ay garab istaagga ugu muujiyeen madax bannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markaas raadinayay taageearada waddamada gobolka iyo caalamka, isaga oo la xiriiray madaxweynayaasha Masar, Turkiga iyo Amiirka Qatar.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF.