Falcelin aan caadi aheyn oo ka dhalatay dib u doorashada madaxweyne Saciid DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay dib u doorashada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.

Doorashada Puntland ayaa waxaa awooddiisa siyaasadeed ku muujiyay madaxweyne Saciid Deni, oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad dib loogu doorto xilka u sarreeya maamulka Puntland.

Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi, taasi oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Drs Iqra Yuusuf: “Hambalyo Puntland taariikh cusub iyo bog cusub ayaa u bilaabmay.”

Khaliif Carabey ayaa isna waxa uu yiri “Horaa loo yiri “hal xaarana, nirig xalaal ah ma dhasho”.”

“Deni ma Garoowe ayuu ku oodnan doona mise banaanka u soo bixi doona,” ayuu yiri Farxaan Axmed oo ka fal-celiyay dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Maxamed Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Hambalyo baan leenahay madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Cabdullaahi Deni.”

“Xarfaan buuran xariif mahan maxaa loo dhahay waa kan Saciid Deni xariiftamay,” ayuu yiri Nuuradiin Axmed Taagyar oo kamid ah dadka ka fal-celiyay guusha uu doorashadii maanta ka gaaray Deni.

Cabdi-kheyr Muxumed Cilmi ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Madax badan ayaa dhiikar looga baqayaa ee halaga war haayo.”