Farmaajo oo kiiska Ikraan u magacaabay guddi, xilli uu weli diidan yahay baaritaanka Maxkamadda Ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah:

1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye
2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen
3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin
4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin
5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin 

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda.

Horey ayaa waxaa u jiray guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo kiiskan baara, hase yeeshee ay waxba kasoo bixi waayeeen kadib markii ay hay’adda NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan ay la shaqeyn weysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kadib armay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada inay kiiskan baarto, taasi ooh adda ku guda jirta.

Siisas badan oo isugu jira dilal, qaraxyo, askartii la geeyey Eritrea iyo arrimo kale oo guddiyo loo magacaabay ayaa waxaa warkooda ugu dambeysay markii guddiyadaas la magacaabay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa waxay guddiyada uga duwan tahay inaan baaritaankeeda la hor-istaagi karin, sidoo kalena ay u yeeri karto ciddii ay doonto, balse waxaa muuqata in Farmaajo uu middaas diidan yahay.  

Hoos ka akhriso warqadda