Farmaajo oo kulan qarsoodi ah la qaatay xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Qatar (Xog)

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii uu ku sugnaa Nairobi, caasimadda Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir uu UN-ka soo agaasimay, wuxuu la kulmay xeer-ilaaliyaha guud ee Qadar Dr. Ali bin Fetais Al Marri.

Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa dhankiisa wuxuu booqasho ku joogay magaala madaxda dalka dhaca geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Shirweynaha oo saddex maalin socday ayaa waxaa diiradda lagu saarey sidii horumarinta dadka iyo dhalinyaradda loogu dari lahaa ajandeyaasha caalamka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa iska wada hadlay xaalada labada dal, xiriirkooda, iyagoo isla gartay in labada dal ay iska kaashadaan xoojinta shuruucda iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka xukuumadda Doxa u fadhiya waddanka Kenya, kaasoo lahaa qaban qaabada isu keenida labada Mas’uul, sida ay qortay Warbaahinta dalka Qatar.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay kulanka, iyadoo qeybtooda Warfaafinta aysan Saxaafada u soo bandhigin kulanka magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri maalin ka hor.

Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow maamulka Farmaajo, isla markaana ka taageerta dhanka maaliyadda iyo dhismaha ciidamadda, iyadda oo dhowaan ku wareejisay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal.

Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com