Farmaajo oo la sheegay inuu wadaa abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo uu maalmahaan ku howlan yahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook ayaa yiri: “Farmaajo wuxuu maalmahan ku hawlanyahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble. Mar wuxuu ka hadashiiyey nin dhiirran oo isagoo garaaddihii ciidanka xiran Raysalwasiirihii Aflagaaddo ku dhoobay.”

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale xusay in madaxweyne Farmaajo uu abaabulay guddiyada doorashada si uu uga hor yimaado 7-dii xubnood ee laga eryey guddiga xalinta khilaafaadka.

“Wuxuu soo abaabulay guddiga doorashada, isagoo diiddan in la beddelo xubnihii guddiga xallinta khilaafaadka. Waxaa xigay shirkii dhoollatuska ahaa ee saraakiisha ciidanka iyo waddooyinkii la xiray, si loo baajiyo shirkii Golaha wasiirrada. Waxaa intaas dheer dacaayadda ay CBB baraha bulshada ka wadaan ee Rooble ku wajahan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ugu baaqay in uu shaqadiisa ku aadan Doorashada xoojiyo, si dalka ay uga dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Hadalka ka soo yeeray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah eeda uu ujeediyay Madaxweyne Farmaajo weli kama jawaabin Madaxtooyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Rooble ma sheegin cidda ay yihiin dadkaas, hase yeeshee hadalkiisa wuxuu imanayaa ayada oo khilaaf xooggan oo cusub uu kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo, oo ka careysan ceyrintii Rooble uu ku sameeyey xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa la sheegay inuu isku dayayo in la carqaladeeyo doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii