Wararkii ugu dambeeyey xaalada magaalada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka dhaqan gashay xabad joojintii la kala dhex-dhigay Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ee mudada Saddexda Maalinta ah ku dagaalamayay Magaalada Boosaaso.

Isimada ku nool degaannada Puntland ayaa xabad joojin kala dhex-dhigay labada dhinac, iyada oo Ciidamadii ishor-fadhiyay la kala qaaday.

Waxaa dib u bilaawday isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Magaalada Boosaaso, kuwaas oo istaagay Saddexdii Maalmood ee uu socday dagaalka.

Beeldaaja Maxamed Beeldaaje Ismaciil ayaa sheegay inay rajeynayaan in nabadayntu sida ugu dhaqsiyaha badan udhaqan gasho, wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada in ay bulshada barakacday Caawiyaan.

Dhanka kale, Waxaa isa soo taraya khasaaraha iyo saameynta ka dhalatay dagaalka seddaxda maalin qaatay ee ka dhacay magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Puntland.

Said siidow oo ah Madaxa cunto kariyayaasha shirkada wadaagsan ee Dhisaysa Dekeda Garacad ayaa dagaalka Boosaaso ka dhacay uga dhinteen 5 carruur ah oo seddax kamid ah uu dhalay iyo laba uu adeer yahay, kadib markii guri ay daganaayeen uu ku soo dhacay madfac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay hooyada dhashay carruurtaas ay soo gaartay caafimaaddaro maskaxeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii