Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in mar kale uu u safro dalka Sacuudiga, xili uu dhawaan booqasho ku tagay.
Madaxweynaha dalka ayaa la sheegay in mar kale uu Casuumaad ka helay Boqorka Sacuudi Carabiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz.
Madaxweyne Farmaajo ayaa warqada casuumaada ka gudoomay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Kenya Dr. Mohammed Abul-Ghani Khayat oo lasoo gaarsiiyay casuumada Farmaajo.
Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay casuumada uu u fidiyay Boqorka Sacuudiga, islamarkaana dhawaan uu tagi doono Magaalada Riyaad.
Waxa ay qoreen in Ujeedka casuumaada ay tahay in Farmaajo uu ka qeybgalo shirka Dalalka Islaamka iyo Mareykanka oo uu Boqorka Sacuudiga marti gelinayo.
Dhinaca kale, shirkaani ayaa noqonaaya shirkii u horeeyay ee noociisa ee dhex mara Mareykanka iyo wadama Islaamka.

