28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Farmaajo oo Erayga “Canshuur” ku bedelay eray cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay bedeli doonto Erayga Canshuur.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay muhiim tahay in bedelka magaca ay marka hore ogolaadan Xildhibaanada BFS.

Waxa uu sheegay inay hayaan magac kale oo munaasin ku ah ”Canshuur” kaa oo uu sheegay inay noqon doonto mid ay la wada qabsadaan shacbiga.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa in magaca Canshuur lagu bedelo magaca ”Qaaraan Qaran”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Markii la dhaho canshuur in ay xooggaa u egtahay in Bulshada xoog wax looga qaadanaayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta , waxaana uu tilmaamay hadii Shacabka aysan Canshuurta bixin in aysan dowladdu Shaqeyn karin.

Geesta kale, Dowladdaha Caalamka ayuu sheegay in ay hormar ku gaareen Canshuurta ay bixiyeen Shacabkooda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News