FARMAAJO oo sagootiyey dhaawacyo loo qaaday dalka TURKIGA + Sawirro

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa ehellada dhaawacyada u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran, ayada oo dowladda Turkiga ay ballan-qaaday adeegooda caafimaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Dhinaca kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa isku diyaarineysaa inay shacabka dhaawaca ah ee laga soo qaaday magaalada Muqdisho ay kusoo dhoweeyaan dalka Turkiga, islamarkaana ay u fidiyaan wixii ay adeegyo ah ay ee ay awoodaan.

Arrintan ayaa imaneysan ayada oo dalka Turkiga uu ka maqan yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya halkaas, oo maalmihii tagay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida aan xogta ku helnay.

Ma cadda sababta uu safiirkaas halkaas u tagay, inkasta oo ay u badan tahay dano shakhsi ah, hase yeeshee maqnaanshihiisa ayaa kusoo aaday xilli aad loogu bahnaa inuu ku sugnaado safaaradda Soomaaliya ee Ankara.