Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Suldaan Cumar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Alle ha u naxariistee geerida Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu door wanaagsan kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Suldaanka uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn waxa uu Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa ka soo jeeday gobollada Waqooyi, isaga oo muddo fog kasoo shaqeynayey nabadda iyo xasiloonida dalka.