Madaxweyne Farmaajo oo u kictamay magaalada Sharm El Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa u kictamay dalka Masar oo ay kaga qeybgali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo magaaladda Sharm El Sheikh.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaayey  mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxaa shirkan uu socon doonaa muddo saddex casho ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Khudbad ka jeedin doona shirka waxa uuna diirada ku saari doonaa Ganacsiga Somalia.

Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa horumarka ganacsiga qaaradda Afrika, waxaana la filayaa in fursad weyn ay u noqoto Somalia oo qani ku ah kheyraadka.

Mudada uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Sharm El Sheikh, ayaa lagu wadaa in kulamo gaar gaar ahi uu kula yeesho Madaxda Afrika.

Geesta kale, Safarkaan ayaa noqonaaya kii labaad oo Madaxweynaha JFS uu ku taggo dalkaasi. Bishii August ayayna ahayd markii ugu horeysay oo uu taggo Magaalada Qaahira.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com