Shalay waa Qudus berrina waa Soomaaliya (Warbixin wax badan banaanka soo dhigtay)

Qudus shalay lalama waregin ee waxaa lala wareegay 1948-dii markii lagu heshiiyay in Israel la dajiyo dhul kaas , isla markana loo howl galay sidii Muslimiinta awoodooda la wiiqi lahaa, dabadeed halyey-yadii u kacay ee looga baqayay waa tii midba maalin tiisa horteena lagu dubtay AUN, intii kalena waxaa loo dajiyay qorshe la isugu dirayo si loo kala mashquuliyo,sidaa daraadeed   lama  sugayo Wadamo Carbeed oo hishiis ah,balse taa badal keeda way  sii kala fogaanayaan sida muuqata,

Maanta Muslimiintu waxa ay sameyn karaan waa Cambaareyn iyo Calaacal, mana muuqato awood ay kaga hortagi karaan hagar daamada Yuhuuda iyo xulufa dooda.

balse shalay hadii ay u fikiri lahaa yeen sida ay Yuhuud iyo xulufa doodu u fikarayeen maanta laguma soo dhiiradeen beytii Rasuul keena Muxamed CSW

Aan hoos u daadago, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “NINKII QEYRKI LOO XIIRA YOW ADNA SOO QOYSO ” Hada Soomaali maryooleey, waxa ay ku socotaa wadadaas,ismana oga, waxaad na arki doontaan hadii la nool yahay Soomaali oo dhagax tuuraysa sida Reer Falastiin qoom kala wareegay dalkooda,

-Waayo Intaan oo tijaabo ah inta lagu sameynayay way aamus naayeen welina way aamusan yihiin BAL U FIIRSO:-

=Waxaa la qaran jabiyay 1979-kii,

=Waxaa la burburiyay 1991-dii’

=Waxaa loo kala qeyb qeybi yay Qabaa’ilo.,

=Waxaa laga dhex abuuray dagaal Diimeedyo.

= Waxaa loo dhisay Dowlado KMG ah oo tabar yar,

=Dowladoodii xooga lahayd waxaa loo qeybiay Dowlado yar yar,

=Calan koodii sharafta lahaa ee rag & dumar badani maanta god ugu jiraan waxaa loo sarifay callalo midabo jaan leh,

=Halkoodii Madaxweyne waxaa laga dhigay 6 Madaxweyne oo siman,

= Ciidan koodii XDS ee awooda lahaa ,waxaa loo qeybiyay, Onkod,Hilaac,Gaashaan,Birjeex, Danab, Nisa, Ciidanka Imaaraadka, Ciidanka,Masaarida, Ciidanka Turkiga, Ciidanka Mareykanka,{Alfa Group} Ciidanka Eeyaha iyo qaar kaloo badan,

= Xeebahoodii waxaa fadhiya Shisheeye waxa ayna kaga xamaashaan xatooyo iyo badheedh,Wiilkii kaluun u doontana waa BURCAD BADEED. =YAA KA HADLAY? MOOYI=

= Dakadahoodii waxaa qeybsaday Turki iyo Emarat noocay doonaan ha ku qabsadaane,

= Shacab koodii waxaa maalin walba duqeeya oo ku tababarta wiilal reer Galbeed ah,iyaga oo ugu gambanaya Al Qaacida ayaan la dagaala meynaa,cid ka hadli kartana ma jirto in lagu faano oo lagu bogaadiyo mooyee

=Waxaa lala shir gudoomiyaa sheeko walba oo soomaalida quseyso,xataa hadii ay ka hadlayaan Ajeendaha Qudbada Salaada Jumcaha ay Culumadu ku soo qaadaneyso 7aadkan

=ma jiro wax u gaar ah oo Soomaalidu ka arinsan karto iyadoo aaney Ajaanibi la ogeyn.

=3-dii Bilood ba marbaa fayl Documents ah oo qorsha howleedka Xukuumada ah laga soo qoraa Xalane waxaana la keenaa Xaafiisyada Dowladeena, waxna kuma dari karaan waxna kama dhimi karaan waxaana kula xisaab tama Wiilal cadaan ah oo fadhiya Xalane, =waa cajiib.=

=Sanad kiiba mar baa Soomaalida looga yeedhaa darka si loo ogaado garaad kooda,markeey gaalada horteeda ku murmaana waxaa hoosta laga xariiqaa in weli xaalka Soomaaliya aad u fiican yahay,markaas baa Amaro kaloo hor leh la kala siiyaa si ay sanad kale ugu mashquul sanadaan ..

= Saldhig yadooda Booliska dadka lagu soo xiro waxaa loo Report gareeyaa oo subax walba koontaroola AMISOM POLIS. = Inaad arateen baan filayaa baabuur AMISOM ah oo subux yadii Saldhig yada hortaagan.= ALLOW ALLE

=Wasiir walba sida in la koontaroolayo waxa uu Facebooka nagula soo wadaagaa Maanta waxaan aniga iyo david concar, ama Bel regedson !WM wada shir gudoominay shir ku saabsan =Arimaha Dhaqaalaha Soomaaliya, =Arimaha Diinta, =Arimaha wax soo saarka dalka, =Arimaha Tamarta, =Arimaha Amniga, =Arimaha Dib u dhiska dalka,= Arimaha Dib u dhiska Ciidamada,=Arimaha Haweenka/Dhalinyarada iyo qaar kaloo badan , War maxaan anagu gaar u leenahay weli la isma waydiin “SAADAMBEY GARAN”

=Tan ugu darani waa Dastuur keena waxaa ku qoran Soomaaliya hadii dalalka dariska ah soo weera raan kama jawaabi karto ilaa ay kala soo hadahso wakiilka UN-ka ee Soomaaliya,,taasina waa calaamad muujineysa in aan ku jirno Gumaysi dadban.kaaga darane wali ma aragteen hal Xildhibaan oo ka hadlaya waxaas iyo wax ka daran baa ku qoran dastuurka naloo soo qoraye, WAA MAYA, …..DUN BAA MEEL KA XIRAN WELI .

= Xataa Ciyaara hoodii Gobolada ee sharafta lahaa waa laga tirtiray oo waxaa loo sharci yeeyay Ciyaaraha Dowlad Goboleed yada,Markaas baa Hal Garoon oo Soomaaliya ku dhex yaala waxa ka dhex babanaya 6 Calal oo qaar baaba dhar ka soo tosha oo qabyaalad u kala sacbinaya , ,waana mid ka mid ah tusaalayaasha farxad galiya Cadowga Soomaaliya, oo meel uusan kala dagaalin aaney jirin balse Maryooleey waa Huradaa weli sida Reer Carbeed Allaase u maqan.

Kaaga darane  waa soo taagan yihiin Soomaalidu oo weli waxa ay leeyihiin Beesha Caalam ku ha noo soo gurmato si ay dib noogu dhisaan Qaranimadii Soomaaliya, Cowra waa ayagee caqli xumaa.

= Waa gar inaa  qoraal keyga  la yaab taan, waana ogahay in ay dad badani dhib sanayan ka hadalka arima haan waayo Soomaalidu runta ma jecla,  balse weli   Ararta  aan dumay dulucdeedi maan galin waana Faallo daba dheer, waxaase xaqiiq ah  waxa aan sheegay iyo in kaloo aan ka tagay oo aan idinka qariyayba waad wada og tihiin balse ma rabtaan inaad ka hadashaan ee Soomaali maryoleyey  waa ninkii .Aakhiro laga waayo…!!!

=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA”

NB/= Tani waa Aragti deyda gaarka ah.,

WQ/= Abdulkadir Dulyar

Muqdisho/Soomaaliya