Farmashiyaal ku yaala Kismaayo oo wax aan laga fileyn laga helay caawa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya halkaasi ay caawa ka wadaan baaritaano adag oo lagu baadi goobayo dadka amni darada ka geysnayo magaalada.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Caasimada Online ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxay magaalada kasoo qabteen waxyaabaha qarxa iyo hub,waxaana ay xabsiga u taxaabeen dadkii lagu soo qabtay xubka.

Ciidamada Dowlada ayaa gudaha u galay dhowr farmashiyayaal oo ku yaala bartamaha magaalada waxaana la sheegay inay soo qabteen waxyaabaha qarxa oo ku jiray farmashiyeyaasha iyo bastoolado.

Dadka deegaanka oo ka agdhow goobta howlgalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada ay kaxeysteen wilal gadayay Farmashiyeyaasha kuwaasi oo la dhigay xabsiga magaalada.

Dhanka kale waxaa magaalada ka socda caawa baaritaano adag,iyadoo dadka lagu soo rogay bandow ku eg xiliga salaada Subax ee Geeska Africa.

Kismaayo seddexdii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay dad rayid ah.