29.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

FAROOLE oo hadal yaab leh ku weeraray XASAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa si aan looga baran uga hadlay kalsoonida ay Beesha Caalamka ku qabto Nidaamka 4.5 iyo sida ay ula dhacsan tahay Dowlada Somalia.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in qarow maalmeed uu yahay in Dowlada Somalia ay Beesha Caalamka ka dhaadhiciso sida Maamulka Puntland loogu qancin lahaa 4.5, waxa uuna cadeeyay in marnaba aysan Puntland ka shaqeyn doonin nidaamkaasi lagu dhoodhoobay Villa Somalia.

Faroole oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaababka aysan Puntland ku aqbali karin 4.5, ayaa waxa uu mar kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xassan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu ka shaqeeyay sidii mar kale 4.5 loogu laaban lahaa isagoo rajaynaya inuu kursiga kusii haysto.

Faroole waxa uu cod dheer ku sheegay xili uu la khidaabaayay Beesha Caalamka in Madaxda Dowladda Xassan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay Siyaasadda dalka, bacdamaa sida uu sheegay Dowladda Dhexe looga fadhiyay inay ka gudubto nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Faroole waxa uu tilmaamay in Mas’uuliyiinta Puntland dhamaantooda ay la socdaan in nidaamka 4.5 ay dhabarka ka riixayaan Madaxda Dowladda, si markale ay tallada dalka ugu soo laabtaan, sida uu hadalka u dhigay.

Faroole waxaa uu ugu dambeen sheegay in Beesha Caalamka ay u sheegeen inaanay marnaba doonayn doorashada ay qaadatay Dowladda Dhexe, Beesha Caalamkana ay ku taageertay, islamarkaana uu Xassan Sheekh Maxamuud ka hagaayo Madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale, C/raxmaan Faroole waxa uu Beesha Caalamka ka hor cadeeyay in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ay ku qasbeen inuu qaato 4.5 isagoo go’aan gaar ah gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News