KIISKA BADDA: Kenya oo qorshe cusub la timid

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixisay halka ay marineyso Dacwada Badda ee kala dhexeysa Dowlada Kenya.

Dr. Axmed Cali Dahir oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa sheegay in Dowlada Kenya aysan wali ka quusan dibin-daabada ay u maleegeyso Somalia.

Xeer-ilaaliyaha waxa uu sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta Kenya ay awoodeeda isugu geysay inay fashiliso dacwada Somalia ay u gudbisay Maxkamada Cadaalada adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Xeer-ilaaliye Axmed Daahir waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay dacwado hoose u gudbisay Maxkamada si ay u carqaladeyso Dacwada Somalia, balse ay ka hortageen.

Maxkamada ayuu sheegay inay ka codsadeen in lalaabo feelka Dacwada islamarkaana ay Dowlada Somalia la furi doonaan wada-xaajood, balse ay Dowlada Somalia arrintaasi fashilisay.

Nuqul kamid ah hadalka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa ahaa “Ummadda Soomaaliyeed waxay gudbiyeen dacwad khuseysa Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia u dhexeysa, Qaanuun ahaanna waxay ahayd in Dowladda kenya ay kasoo jawaabto, balse waxay keentay is hor-istaagaan anagana is hortaagaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay,”

Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Dacwada ay iminka sii socon doonto islamarkaana ay Dowlada Somalia ku rajo weyn tahay in gal-dacweedkaasi ay ku guuleysato.

Dhanka kale, Axmed Cali Dahir waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay in iyaga iyo Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda ee Heague.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com