Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u baahan tahay in mar kale la soo celiyo maqaamkeedii hore.
Faroole ayaa waxa uu sheegay in Dalka sanadkan ay ka dhacayaan Doorshooyin Taariikhi ah, maadaama ay ka bedelan tahay Doorashooyinkii horey dalka uga dhici jiray.
Faroole ayaa hadalkaani ka sheegay mar uu ka qeybgalaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in Dowlada imaan doonta uu ka rajeynaayo in isbedel ay la timaado isla markaana ay dib usoo celiso Nidaamkii Hayadaha Dowlada.
”Waa arrin lagu farxo inaan dib usoo celino doorashooyinka xorta ah marba haddii aan dhisnay labada Aqal waxaa inoo muuqaneysa Dowladnimo waxaan rajeynayaa in Dowlada imaan doonta ay dardar galiso howlaha qabyada inoo ah maadaama ay Somalia ka hanaqaaday halkii ay dhowr sano taagneyd”
Faroole waxa uu soo hadalqaaday sida ay Magaalada Muqdisho ahaan jirtay xiligii hore waxa uuna tilmaamay in Soomaalida dhan ay wada degnaan jireen, balse ay hadda tahay mid ay degan yihiin reero gaar ah.
Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri ”Magaalada Muqdisho waxaa ay ahaan jirtay magaalo la wada degan yahay, laakiin waayadii danbe waa lagu kala guuray oo hada qolo gaar ah ayaa u badan, waxaan ka rajeynayaa maamulka gobolka Banaadir in la soo celiyo maqaamkii ay laheyd magaalada Muqdisho, hantidana leysku celiyo”.
Faroole waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda imaaneysa ay tahay Dowlad dib u heshiisiineed cid kasta haku guuleysatee, isagoo sidoo kale sheegay in ay tahay Dowlad Midnimo Qaran, oo aysan aheyn koox gaar ah oo is magacowday.
Haddalka Faroole ayaa imaanaya xili baadi-goob loogu jiro sida Magaalada Muqdisho lagu gaarsiin lahaa Maqaamkii ay horay u kahaan jirtay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

