Farqiga u dhaxeeya ammaanka Villa Somalia, xilligii Shariif Sheikh iyo kan Xasan Sheikh (XOG)

Amniga madaxtooyada ayaa waxa uu ahaa mid aad u adag isla markaasna lahayd dhowr jagboynti oo dadka lagu baari jiray xiligii uu dalka madaxweynaha KMG ahaa Shiikh Shariif.

Waxaa jiray dhowr meel oo dadka lagu baaro aad ayayna u adkeyd in si sahlan uu qofka ku galo aqalka madaxtooyada, amniga madaxtooyada waxaa uxilsaarnaa ciidamo isugu jiray Soomaali qaasatan kuwa loo yaqaan koofi gaduuda iyo ciidamada AMISOM oo iyagu ahaa darbiga ugu danbeeya uguna xoogan oo uu madaxweynaha si aad ah isugu haleen jiray.

Hadaba markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu nasiib uyeeshay inuu noqdo madaxweynaha rasmiga ah ee jamhuuriyada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh kaga guuleeystay dhigiisa Shariif, ayaa waxaa soo ifbaxay isbadal weyn oo laga dareemay aqalka madaxtooyada iyadoona aysan jirin ilaalintii xooganeed iyo baaristii lamarsiin jiray dadka gudaha ugalay.

Waxaan ka mid ahaa wariyayaal dhowr ahaa oo 6-dii bishaan kaqayb galayay xaflad lagu magacaabayay RW Cabdi Faarax Shidoon, ma jirin baaritaan sidaas usii xoogan oo na lagu sameeyay ilaa aan katagnay albaabka weyn ee madaxtooyada, Ciidamada waxay ahaayeen kuwo sikale isaga mashquulsan oo aanba xil iska saarin ammaanka.

Ciidamada Soomaalida kaligood maahane xitaa ciidamada AMISOM ee lo xilsaaray ilaalinta aqalka madaxtooyada ayaa ahaa kuwo sidokale aanan sidii hore amaanka u ilaalin.

Hadaba su’aasha is weeydiinta mudan ayaa ah waxa keenay isbadalkaan iyo sababta kadanbeeysa?

Dadka taxliiliya siyaasada Soomaaliya ayaa ku micneeyay isbadalkaan xagga amaanka in saraakiisha ciidamada Soomaalida uu mid walbo ku taaganyahay hal lug ayna kabaqayaan in madaxweynaha uu isbadal kusameeyo islamarkaasna uu layimaado saraakiil kaloo loo xilsaaro ilaalinta amaanka Madaxtooyada waana taas tan keentay ineeysan shaqadooda ugudan sidii logu talogalay.

Weriye ka tirsan Caasimada Online oo jooga Muqdisho.