Farriinta SWAN ee wada-hadallada DF iyo Somaliland ee la gaarsiiyey Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa fariin gaar ah oo ku saabsan wada-hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland dhawaan soo gaadhsiiyay Madaxweyne Biixi, sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Itoobiya ayaa sheegtay in safarkii uu James Swan bishan 10-keeda ku yimid magaalada Hargeysa, uu Madaxweyne Biixi u gaadhsiiyey fariin uu ka siday Qaramada Midoobay, midaasi oo khuseysay wada-hadalada DF iyo Somaliland.

James ayaa Biixi u sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerayso qorshe ay ujeedadiisu tahay ‘in kalsooni laga dhex abuuro labada dhinac ee Dowladda federaalka iyo Somaliland’, iyadoona lasii dhiirigelinayo wada-hadaladii fadhiidka noqday ee labada dhinac.

Wasaarada ayaa arrinkaasi kaga hadashay Warbixinta todobaadlaha ah ee Week in the Horn, oo ay Wasaaarada Arrimaha dibadda ee Itoobiya soo saarto dhamaadka todobaad kasta.

James ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa waxa uu war-murtiyeed ka soo saaray booqashadiisa, isagoona wax faah-faahin dheeriya ka bixin arrintaasi, isla markaana si cad u sheegin in Qaramada Midoobay ay si toos ah uga qeyb qaadan doonto wada-hadalada DF iyo Somaliland.