HirShabeelle oo amar dul dhigtay hay’adaha samafalka

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta maamulka HirShabelle ayaa amar culus dul-dhigtay hay’adaha Samafalka ee ka howlgalka deegaanada maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaraddaasi ayaa waxaa hay’adaha lagu faray in ugu dambeyn ay isa soo diiwaan-geliyaan 31-ka bishaan janaayo ee 2020-ka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo tira-koobka saxda ah ee Hay’adaha samafalka ee ka howla gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa sheegtay in arrintaan looga gol leeyahay, sidii sanadkaan loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ah ee u baahan in wax laga qabto.

Sanadkii tegay HirShabelle ayaa waxaa saameyn ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameeyey magaalada Beledweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso: