FASHIL: Kenya waa ogeyd in xarunta Westgate la weerarayo (Daawo Video)

Nairobi (Caasimada Online) – Senator-ka laga soo doorto magaalada Nairobi ee Mike Sonko, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Kenya uu ku war-geliyey inuu jiro qorshe lagu weerarayo xarunta West Gate Mall, ka hor inta uusan dhicin weerarka.

Sonko, ayaa ku warramay in haweeney asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan, ay xafiiskiisa ugu timid una sheegtay inuu jiro shirqool loo maleegayey meel ay ka mid tahay West Gate, kadibna uu u gudbiyey digniintaas booliiska iyo sirdoonka.

Mike Sanko, ayaa haya muuqaal iyo cod uu ka duubay haweeneyda weerarka uga digtay, waxaana uu tusay taleefishinka Nation ee dalkaasi.

Haweeneyda ayaa u sheegtay Sonko in argagixisadu ay qorsheysay inay bartilmaameed ka dhigtaan saddex dhismo midkood, kuwaas oo kala ah West Gate, xarunta Baarlamanka iyo xarunta KICC.

Daawo warbixin arrintaas ku saabsan

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com