Fashil ku yimid SHIRKII CADAADO ee maanta !!!

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka oo maanta oo Sabti ah la qorsheynayay inuu ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Warar Caasimada  Online, ay heshay ayaa sheegaya in shirkaasi la filayo in maalinta Tallaadada uu ka furmo magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ujeedada dib u dhaca shirka ayaa lagu sheegayaaa iney tahay kadib markii waxgaradka ku sugan magaalada Cadaado ay sheegeen iney kasoo horjeedaan in caasimada maamulka gobolada dhexe noqoto magaalada Dhuusomareeb, taasi oo xiisada gobolada dhexe kasii dartay.

Wararka ayaa sheegaya in la doonayo in seddexda maalin ee soo socoto lagu qancinayo Odayaasha magaalada Cadaado in shirka ay ka qeyb galaan caasimadana u ogolaadaan magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo dhawaan tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa isaga oo qancinayo beelo gaar ah caasimada gobolada dhexe u doortay magaalada Dhuusomareeb.

Arintaasi ayaa keentay in beelaha kale ee taga Cadaado iyo deegaanada ku xeeran ay kasoo horjeestaan oo uu damac ka galo in caasimada ay helaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com