Puntland: Uma calool fayoobin XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ”Indha-guran” oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in Maamulka uusan u calool fiyooben Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay jabisay heshiisyadii horay u dhexmaray, taasina ay keeni karto in ayagana ay dhankooda ka burburiyaan heshiiska, waa hadii ay sidaa kusii socto Siyaasada lala dheelaayo.

Waxa uu tilmaamay in Puntland ay aad uga careysan tahay hadal ka soo baxay Laba maalin ka hor madaxweynaha Somalia,isagoo ku sugan magaalada Dhuusamareen, kaasi oo ahaa in maamulka gobolada dhexe lugu biirin doono gobolka Mudug.

”Waa nasiib daro in DF ay mar waliba jabiso heshiisyada ay la gasho Maamul Goboleedyada, waxa ay hadda jabisay heshiiskii ay Puntland la gaartay sanadkii hore,”

Waxuu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland, in heshiiskii Garoowe oo ka koobnaa ilaa 14-qodob ay labada dhinac wax-yaabihii ay ku heshiiyeen uu ku jiray in maamulka loo dhisayo goballada dhexe aan lagu darin waqooyiga gobolka Mudug,wuxuuna wasiirka intaa raaciyay in sidoo kale dastuurku uusan qabin in maamul loo sameeyo gobol iyo bar.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa lagu dhaliilaa in inta badan uu baayaco Heshiisyada uu la saxiixdo Maamulada, waxa ayna Puntland ay iminka aad uga cabaneysaa go’aanka uu Xassan ku laaday Heshiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com