Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xiisada ganacsade Axmed Geelle Iyo Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrintan, wuxuu yiri “Axmed Cismaan Geelle waa nin caan ah, labo dhalashana wuu sitaa, markaa qadiyadiisu waxay u eegtahay laba arimoodba, midi wuxu isagu leeyahay waan dulmanahay oo xoolahaygii anigoo maqan ayaa inta waaran la isoo jaray, markan iman waayey, waxeygii lala wareegay. midina waxa weeyi Baan Faransiis ah ayaa ku sheeganaya deyn. Markaa ani waxay ila tahay in wixii uu xaq u leeyahay la siiya, wixii lagu leeyahayna laga qaado”.
Waxa uu intaa kusii darey “Nimankani niman daahaya maaha, DP WORLD ayaa waxoogi hadh cad lagala wareegay, Axmed Cismaan Geelle-na sidaasay u laad-laadsaden, lakiin taasi socon mayso, in Nin reer Somaliland ah xoolihiisa la iska qaato, inagey nagu ceeb tahay”.
Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe ayaa ka digey ciidan uu sheegay inay sameysanayaan dalalka urur goboleedka IGAD, kuwaas uu ku sheegay inay halis ku yihiin Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa