FAYSAL CALI WARAABE oo war yaab leh kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa si adag kaga hadlay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan, tan hoggaanka guddiga gobollada waqooyi ee maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Feysal Cali Waare ayaa waali ku tilmaamay dadka leh doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka dhaceysa magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax aan suurtagal aheyn ay tahay in Xamar lagu dhiso guddi ‘metalaya’ Somaliland.

“Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoo gaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda” ayuu yiri gudoomiyaga xusbiga mucaaradka Somaliland ee UCID.

Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Somaliland, gaar ahaan golaha wakiilada inay wax ka qabtaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee ololaha ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay ku qaraabanayaan magaca Somaliland.

“Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa” ayuu markale yiri guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan la filayo in gudaha Muqdisho ay ka dhacdo doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi, waxaana haatan socda dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu soo afjarayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada garab ee guddiga.