Federaalku ma Gobolo israacaya mise qabiilo israacaya!? (Qoraal xasaasi ah)

War saxaafadeed 

Federaalku ma Gobolo israacaya mise qabiilo israacaya! 

The Buck Stops Here

President Truman referred to this concept very specifically in asserting that, “The President–whoever he is–has to decide. He can’t pass the buck to anybody. No one else can do the deciding for him. That’s his job.

Xigmadda murtidaan ama slogan-kaan  waxa macnihiisu si kooban u qeexayaa in mas’uuliyadda ugu saraysa ama ugu wayn ee qaranka Soomaaliyeed  ay hor imaanayso miiska ama Xafiiska Madaxwaynaha.

Madaxwaynaha iyo Golaha Barlamaanka waa in ay tilaabo cad ka qaadaan  Ra’isul wasaariha Dowladda Federaalka  oo si ula kac ah uga horyimid dastuurkii iyo xeer-hoosaadkii u dhignaa Qaranka Soomaaliyeed. Haddaba Arrintaan  xadgudubka ku ah dastuurka, waxaa wax laga waydiinaya Madaxda ugu saraysa Qaranka Soomaaliyeed. Tani waxay la mid tahay biloowgii burburka Qaranka Soomaaliyeed.

Barlamaanka Federaalku waa in si deg-deg ah wax uga qabtaa arrintaan lidka ku ah midnimada iyo dhismaha Qaranka Soomaaliyeed. Xukuumadda hadda shaqaysa waa in   kalsoonida lagala noqdo, ayadoo la badbaadinayo qaranka Soomaaliyeed intii aan arrintu faraha ka bixin. Arrintaan haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban waxay u horseedi karta in dagaal ka dhaco gobol kasta ee Soomaaliya ka mid ah ama  loo noqdo waqtigii dagaalka sokeeye ee 1991.

Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya Mr. Abdiwali Sheikh Ahmed wuxuu 14 oktobar 2014 la saxiixday Maamulka Puntland hishiis ku-sheeg  ka hor imaanaya wax kasta oo lagu soo celi lahaa nabadda iyo dhismo qaran Somaaliyeed. Qof kasta oo wax ka garanaya Qaanuunka ama maamulka uu ku tilmaami karo in hishiiskaasi uu yahay “Null and Void”, Sida muuqatana laga leeyahay dano khaas ah oo lagu majaxaabinayo awoodda Dowladda federaalka Soomaaliya. Qodobadaas dhammaan waa mid xadgudub iyo bur-bur ku ah dhammaan wixii  Dowladda Federaalka ay higsanaysid.

Wxaa dad badan oo aqoonyahano ah la yaabeen markii Ra’isula Wasaarhii oo mtalaya Dowladda Federaalka oo ka hor leeyahay sidii labo dowladood oo siman  “waxaa halkaan heshiis ku gaaray labada dowladood ee Puntland iyo Dowladda Federaalka” sidii labo dowladood oo simaan, kana dhigay Puntland in ay tahay Dowlad madax bannaan oo qaran ah (sovereign state), waa ayaan darro iyo aqoon xumo meesheeda la eg.

“Dastuurku wuxuu dhigayaa in labo gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan maamul goboleed federaalka ka mid noqon kara, heshiiskaan waxaa lagu soo qoray in gobol iyo bar loo sameynayo maamulka (Galgaduud iyo qeyb ka mid ah Mudug).

Heshiiskan  wuxuu si cad u qilaafsan yahay qorshaha maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, asagoo iska hor keenaya dadka degaan goboladaas.

Hadaba, labadaas arimood side la isu waafajinayaa, waa faragalin aan Ra’isul Wasaaraha  siinaynin kala qaybinta Arrintaasi ”. Marka Ra’isula Wasaaraha ma qabiilka kala wayn tan qaranku u igmaday, asgoo goobjoog ka ahaa markii la saxiixayay hishiiskii maamul u samaynta Gobolada Dhexe ee 30kii Agoosto 2014.. Yaase laga rabaa wax ka qabashada ku xadgubida dastuurka u yaala qaranka. Mas’uuliyadaan waxay taalaa miiska Gudoomiyaha Barlamaanka, xildhibaanada Barlamaanka, Madaxwaynaha Qaranka iyo qof kasta oo ay dhibayso burburka qaranka Soomaaliyeed.  Haddii aan arrintan wax laga qaban, Jubooyinka waxay isku raacayaan qabiil, Bay iyo Bakool waxay isku raacayaan qabiil, Shabeelooyinku waxay ayaguna isku raacayaan qabiil, taas oo macnaheedu tahay ha lagu kala tago.

Waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa qaar ka mid ah hishiiskaas:

Dowladaha Puntland iyo Federaalka ayaa heshiis ka kooban 12-qodob ku wada gaaray magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Heshiiska ayaa u dhignaa sidan, bal nala arka xaqiiqda iyo beenta la maleegayo iyo sudbursiga:-

1-Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

1.1- Dooda Puntland ee qodobada la badalay,waxay Dowlada Federaalku waxay ka garaabaysaa Dooda Dowlada Puntland ee ku aadan wax ka badalka Dastuurka dalka,waxayna labada dhinac isku raaceen in arrintaa ay ka wada hadlaan labada Baarlamaan ee Puntland iyo Federaalka,Dowlada Federaalkuna ay fududayso wada hadalkaas.

Xaqiiqda:

Puntland ma cadayn karto dastuurka ay leedahay waa la badalay. Waxaa la suubiyay guddi madax bannaan oo qayb ay ka tahay Puntland kormeerida ama oversight ku suubinaysa dastuurka qabyada ah. Haddaba arrintaan dastuurka waa la badelay waa arrin Been been ah oo la maleegayo.

1.2- Dhamaystirka iyo fulinta Dastuurka;-Waxaa la isku raacay dhamaystirka iyo dardargalinta Dastuurka iyada oo loo marayo sida Dastuurkun qabo Cutubkiisa 15-aad.

Xaqiiqda: Puntland iyo Ra’isul Wasaaruhu wuxuu Horsed u noqdeen sidii loo carqaladayn lahaa dastuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

1.3- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka noqonaya Dowlada Federaalka;-Dhismaha Dowladaha ka mid noqonaya Dowlada Federaalka waa inuu ku salaysan yahay sida Dastuurku qabo,waxayna Puntland iyo Federaalku ay isla qaateen in Maamulka KMG ah ee Gobolada dhexe ee ay Hogaaminayso DFS uu ka kooban yahay Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, sidoo kalena Waqooyiga Mudug wuxuu ka tirsan yahay Maamulka Puntland –

Xaqiiqda: Arintani ayaa cadeyneysa in C’Weli Sheikh & C’Weli Gaas u Heshiiyeen Madaxwayne Xasan Sheikh iyo Maamulada ka jira Gobolada Dhexe, Ka Dib Markii; Qodobkaan ka Hadlaya Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulkaas la yiraahdo Koofurta Gobolka Mudug ayuu ka bilaabanaa oo Mudug qaybta Puntland Maamusho ma saameyn doono Waxaana uu Ra,iisul wasaaruhu Puntland ku raacay in Gobolka Mudug la kala qaybiyo Iyadoo Hadii sidaa loo dhigo Maamulku uu Noqon doono Gobol iyo Bar.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Mr. Abdi Hassan Awaale, ayaana Horay
 u sheegay in Puntland ay Caqabad ku tahay Dhismaha Maamul u samaynta Gobolada Dhexe, kaasoo Bur-Burintiisana ay dhaqaalo badan ku Bixineyso iyadoo Gacan ka heleysa Dowladda Federaalka ah Xubno ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Ra,iisul wasaare CabdiWelli .

1.4- Dhismaha Ciidamo Qaran oo umada ka dhexeeya;-qodobkaa waxaa loo racaaya sida ku xusan heshiiska Garowe 11/Maarso/2013 oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdifaarax Shardoon Saacid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole,oo tibaaxaya dhisida Ciidamo Qaran oo isku dheeli tirsan,isuna dhafan,lagana soo qoro dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Xaqiiqda: Puntland waxay wax ku qaadataa nidaamka 4.5, waxa ayna ka mid yihiin dadka ka soo jeeda Puntland Hay’ad kasta, ha noqoto mid militari, civil iyo ururada kale ee bulshada, marka sudbursiga ay raadinaysaa muxuu yahay.

2- Heshiiyada horay loo wada galay;-Labada dhinac waxayn isla ogolaadeen in heshiisyadii horay loo wada galay ee Federaalka iyo Puntland ay Waajib tahay in la fuliyo,iyadoo uu saldhig u yahay hehsiiskii ugu dambeeyay ee ay wada Saxiixdeen Dowlada Puntland iyo Xukuumadii Saacid,maadama heshiisyadii hore ay hirgali waayeen waxaa lagu heshiiyay in fulinta iyo Dabagalka heshiisyadii hore iyo kan maanta loo xilsaaro Guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac waa Federaalka iyo Puntland,ayna ka qayb qaataan Hay’adaha ay khusayo ee labada dhinac.

Xaqiiqda:

Bal nala arkaa hishiisyadii ay la soo qorteen wiilashoodii in maanta ay Puntland dib u soo cusboonaysiiso, laguna hishiiyo Ra’isula Wasaaraha Abdi-wali, oo asna ka mid ah wiilashooda sida Garowe 1, Garowe 2, Galkacyo 3. Oo la saxiixdeen wiilashooda Ina Cabdirashid, Saacid, iyo Cabdi-wali oo ay hadda la saxiixdeen wax haba yaraatee aan Ummadda Soomaaliyeed aqbali Karin, kana gadmi karin.

Tiirarka ugu wayn ee wadan kasta oo Federal ah waxaa ka mid ah in xiriirka caalami/horimarineed, iskaashi, maalgalin, iyo xiir kastoo caalami ah uu hoos imaanayo Dowladda Dhexe “Federal Compentency” – haddii taasi ayan dhicin, ee maamulad hoos yimaada Federalka ay awood u yeeshaan xiriirka iskaashi iyo midka caalamiga ahba waddankaas ma lagu tilmaami karo federal.

Awoodaha kale ayaa sarifmaya,waxaana Maamul Goboleedyada hoos imanaya Federaalku uu Dastuurku u bannaynayaa inay Maamushaan Arrimahooda Masiiriga ah.

4- Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee lagu heli Magaca umada Soomaaliyeed;-Labada Dowladood ay ku heshiiyeen in si Cadaalada loo qaybiyo dhamaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliyeed lagu helo.
Xaqiiqda: Puntland waxay heshiis sharci daro ah la gashay waddamada Ethiopia, Yemen ayagoo si sharci daro uga hela deeqo aan dowladda Dhexe ka warqabin, kuna doodaysa in midda Dowladda dhexe wax laga siiyo. Puntland waxay rabtaa in labo dhinac ay wax ku qaadato, tayda lihi taadana kula lihi. Waa xaqiiqda taala meesha.

Puntland waxay u heshaa si sudbursi ah oo aan cadaalad ahayn deeqaha ama macaawinooyinka lagu helo magaca soomaaliyeed. UNDP iyo hay’adaha kale si xaqdaroo ah ayay ugu qaybiyaan kaalmooyinka ha noqoto projects la fulinayo ama tababrro, iyadoo kaalmooyinkaas la siiyo qayb Puntland,  Somali-land qayb, South/Central  Soomaliyana la siiyo qaybo dheelitiran oo si isku mid ah. Taasina ay tahay xaqdarro aan ficilkeeda laga hayn Dowladda Dhexe. Puntland iyo Somali-land dadka ku nool waxay labo u jibaar ka yar yihiin dadka ku nool Central.

Gunaanad:

Hadaan si gaar ah u tilmaano qodobadda dastuuriga ah ee la jabiyay, waxaa ka mid ah;

  1. Qodobka 111 ee Dastuurka Federaalka kaas oo sheegaya magacaabidda, awoodda iyo Shaqadda gudigga madaxa banaan ee Xuduudaha Federaalka, hase yeeshee Ra’iisul wasaarre Cabdiweli iyo Gaas aay u kala jareen Gobalka Mudug laba qeeybood (beelo) si ka hor imaaneeysa Dastuurka Federaalka, iyadoon wali lamagacaabin gudigaas.
  2. Waxaa kaloo la jabiyay qodobka 30-aad ee Dastuurka Faqradiisa (6-aad), kaas oo siinaya madax banaani dowladda dhexe ee federaalka Awoodda Arrimaha wax Brashadda, halka maamulka Puntland laga siinayo awood dowladeed oola siman dowladda dhexe, iyagoo ah maamul gobaleed.
  3. Baaq

Waxaan ugu baaqeeynaa dhamaan madaxda qaranka:

  1. In Maxadaxweeynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna ilaaliyaha sharciga Qaranka uu arrimahaan si deg deg ah usoo fara galiyo,
  2. In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya fiira gaar ah siiyo Qodobadda Dastuuriga ah ee la jabiyay iyo heshiisyadda qarsoon ee horay loola galay maamulka Puntland sida ku xusan Heshiis kusheega la saxiixday (14, Octoobar 2014.
  3. Waxaan usoo jeedineeynaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ineey ka jawaabto ku xad gudubka lagu xad gudbay Arrimaha Federaalka.

Cambaareeyn

Waxaan u soo jeedineeynaa canbaareeyn heshiiskan, madaxda saxiixday iyo Hay’adda Caalamiga ah oo goobjoogga ka ahaa Heshiis ku sheegii Garoowe, kuwaasi oo u bareeray Burburka iyo Colaad hurinta Shacbiga Soomaaliyeed.  

War-qaddaan furan waxaa wada jir usoo saaray:

Qurba-joogga ku nool Stockholm/Sweden ee ka soo jeeda Gobaladda dhexe.

Central Somalia Diaspora Organization

Stockholm, Sweden.